Madaxweynaha Faransiiska oo laga helay Covid19

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa laga heley cudurka karoonaha, sida uu baahiyay xafiiskiisa.

42- jirkan ayaa la sheegay in uu maray baaritaan kadib markii lagu arkay astaamo la mid ah kuwa cudurka, wuxuuna hadda kadib muddo 7 maalmood ah galayaa is go’doomin si uusan dad kale u qaadsiin.

War murtiyeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Macron uu weli isaga xukunka sii haynayo, hawlihiisii shaqana sidii usii qabsanayo.

Faransiiska ayaa dhowaan soo rogey bandoow xiliga habeenkii ah si loo xakameeyo cudurka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media