Madaxweynaha Dowladda Federalka oo lagu wado inuu u ambabaxo dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga ka codsado Taageero cusub oo dhinacyadda Dhaqaalaha iyo Diplomaasiyadda Caalamka.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU Agency oo aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka helay Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis casuumaad rasmi, lana filayo inuu dabayaaqadda bishan booqasho ku tago caasimadda dalkaasi ee Riyadh.

Ilo Diplomaasiyadeed oo codsaday inaan la carabaabin ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee ANADOLU Agency in Safarka Madaxweynaha muhiimadiisu tahay sidii ay Madaxda Sacuudiga uga dalban lahaa Taageero Dhaqaale oo la siiyo Dowladda Federalka iyo La-dagaalanka Alshabaab .

Dhinaca kale, Casuumaadaasi ayaa qeyb ka ah Dhaqdhaqaaq Dipolomaasiyadeed oo uu Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud ku doonayo uu qeyb ka yahay La-tashiyadda Gaar-gaar ah ee uu Boqorka Sacuudiga la yeelanayo Madaxda dalalka Jabuti, Ethiopia iyo Somalia.

Wada-tashiyadaasi oo qeyb ka dh Dhaqdhaqaaqa cusub ee Siyaasadeed ee Sacuudiga oo  ku aadan Iskaashiga Dowladaha Gobalka ee sugidda Ammaanka Gacan-biyoodka Cadmeed, Ka-hortagga Is-ballaarinta Iiraan iyo Xakamaynta Taageeradda hubka ee loo gudbiyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka dagaalanta Yemen.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor