Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sagootiyay ciidamo loo dirayo Tigray

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska.

Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor