Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gaaray Jabuuti iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Cagjar ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaayay ku-xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti iyo Guddoomiyaha Gobolka Cali Sabiix.

Ujeedka Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ee Jabuuti ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka madasha aragti-wadaagga ah oo uu soo agaasimay mac’hadka Heritage oo berri ka furmaya dalkaas.

Ajandaha sanadkan lagu falanqeynayo Madasha aragti-wadaagga ayaa halku dhiggiisu yahay Xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, muddo saddex maalin oo ay socoto Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona Madalo Dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala guurka iyo doorashada Soomaaliya.

Madasha shirka Heritage ayay Soomaalida Gobolka iyo kuwa caalamkuba isku waraystaan, isla markaana uga doodaan danaha guud ee ka dhaxeeya Soomaalida. tan iyo aas-aaskii mac’hadka waxaa la qabtay shan kulan oo midkii ugu danbeeyay uu ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor