Wariye ka tirsan Warbaahinta Dalsan oo ka badbaaday isku Day Dil

Koox hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ah ku qaaday hoyga ee Magaalada Muqdisho ka degan tahay Weriye Ikraan Cali Xaashi oo kamid ah weriyayaasha ka howlgala Idaacadda iyo Telefashinka Dalsan ee Muqdisho.

Dableyda hubeysan ee weerartay hoyga Wariye Ikraan Cali Xaashi ayaa waxaa ay rasaas huwiyeen daaqada qolka ay ku jirtay Ikraan, balse ay ka badbaaday rasaasta lagu furay, waxaana durbadii goobta ka baxsaday ragii hubeysnaa.

Weriye Ikraan Cali ayaa xaqiijiysay in nafteeda ay halis gashay oo ka badbaaday weerar qorsheysan oo lagu doonayay in nolosha lagu dhaafiyo, iyada iyo Canug yar oo ay dhashay oo ay inoo sheegtay in xilliga uu falku dhacaayay ay heysatay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa Dalsan u sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday hoyga Wariye Ikraan Cali oo ku yaalla degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, iyagoona Saraakiisha xusay inay soo qaban doonaan kooxdaas.

Weriye Ikraan Cali Xaashi oo kamid ah weriyayaasha ka howlgala daacadda & Telefishinka Dalsan ayaa waxaa ay tahay gabar barnaamijyo ka sameeysay la dagaalanka gudniinka fircooniga ee loo geysto gabdhaha da’da yar, iyadoona aad bulshada uga wacyigelisa in gabdhaha lagu sameeyo fal gudniin fircooni ah.

Sidoo kale Weriye Ikraan Cali Xaashi oo ah hooyo heysata Canug yar ayaa Bulshada gaar ahaan dhalinyarada ka wacyigelisa inay ku biirista kooxda Al-shabaab oo la rumeysan yahay inay weerarka kusoo qaadeen hoygeeda, iyagoona doonayay inay khaarijiyaan..

Waxaa xusid in Wariye Ikraan Xaashi inay ka carartay Magaalada Muqdisho iyada iyo saygeeda Weriye Munasar Maxamed Cabdi, kadib markii saameyn xoogan ay ku yeelatay qoyskooda warbixin uu diyaariyay weriye Munasar oo isna ka tirsan Warbaahinta Dalsan oo sanadkii 2019 ka sameeyay nin ka soo jeeda beelaha la hayb sooco oo isagoo nool nolosha lagu gubay markii uu guursaday gabar ka soo jeeda beelaha waawayn.