Madaxweynaha dalka Madagaskar oo ka badbaaday Isku-day dil

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la fashiliyey qorshe lagu khaarijiyey lahaa Madaxweynahaha dalkaasi, Andry Rajoelina.

Qoraalka ayaa lagu xusay in la xiray dhowr qof oo isugu jiray Muwaadiniin Deegaanka iyo kuwo Shisheeye ah.

Ilo Diplomaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay labo Nin oo Faransiis ah ka mid yihiin dadka loo soo xiray Isku-dayga dilka ee la fashiliyey.

Dhinaca kale, bishii la soo dhaafay ee June 26-dii oo ku beegnayd Maalinta Xorriyada ee Madagaskar waxaa la fashiliyey Isku-day lagu dili lahaa Taliyaha Ciiddanka dalkaasi, Jeneral Rijard Rafalomanane oo isugu ah Gacanta Midig ee Madaxweynaha dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor