Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle oo kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xassan iyo Wafdi ay hoggaaminayso oo ku sugan magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle ayaa kulan la qaadatay Madaxweynaha cusub ee loo doortay Hirshabelle Cali Guudlaawe, ururrada Haweenka iyo Odayaasha Dhaqanka.

Marwo Xiis Xasn ayaa madaxweynaha Hirshababeelle  Cali Guudlaawe Xuseen kala hadashay xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30% xilligan oo loo diyaar garoobayo doorashooyinka heer federaal.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Xiis Xasan Aadan ayaa madaxda sare ee dalka ka dalbatay in haweenku gacan lagu siiyo sidii ay ku heli lahaayeen qoondada ay ku leeyihiin dowladda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xaqiijiyay inuu ku dadaali doono sidii uu u sugi lahaa qoondada Haweenka ee 30%.

Wasaaradda Haweenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda wadda olole loogu magac daray u qareemidda haweenka ee arrimaha siyaasadda gaar ahaan xaqiijinta qoontadad dumarka ee ah 30%.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media