Madaxweye Deni oo amar duldhigay dekadda Boosaaso

Maxaweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar dul dhigay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulkaasi.

Deni ayaa amray in Lacagaha Cashuuraha ee laga qaado Dekadda Boosaaso lagu qaado lacagta Shilin Soomaaliga  la joojiyo, waxaana taa baddelkeeda lagu qaadi doonaa Dollar sida uu amray Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.

Sababta ku keentay in lacagaha lagu qaado Doollar ayuu sheegay in ay doonayaan in ay wax ka qabtaan Sicirbarar baahsan oo ka jira degaanada Maamulkaasi, kaasi oo bulshada qaybaheeda kala duwan ay walaac ka muujiyeen.

Deni waxaa uu intaa ku daray in ay arrintaani xal u noqon doonto Sicirbararka ka jira Puntland, waxaana horay degaanada Maamulkaasi ka dhacay bannaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo sicirbararka, iyadoo magaalooyinka waa weyn ee Puntland goobaha Ganacsiga iriddaha lo laabay sababo ganacsatadu ay ku sheegeen in Sicir bararku uu gaaray meeshii ugu sarreysay.

Waxaana Bulshadu ay si weyn caabsho kaga muujiyeen Sarrifka lacagaha Qalaad iyo Maciishadda oo meeshii u xumeed tagtay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media