Madaxtooyada Somalia oo shaacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh laga helay COVID-19

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho laga helay Cudurka COVID-19 oo haleelay.

Afhayeenka Madaxweynaha Abdikadir Ali Dige oo la hadlaayay warbaahinta ayaa u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu yimid Caasimadda Muqdisho lagu sameeyay baaritaano, isla markaana laga helay Cudurka COVID-19.

Wuxuu intaas kusii daray Afhayeenka in Madaxweynaha xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan, hayeeshee laga helay oo kaliya Cudurka, sidoo kalena ay jiraan qaar kamid ah wafdiga Madaxweynaha oo iyaguna ku dhacay Cudurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar qaatay muddo afar maalmood ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweynaha la kulmay dhiggiisa Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Maxamed Bin Saayid kala hadlay kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor