Madaxtooyada Puntland oo war kasoo saartay dagaalka dib uga qarxay Boosaso

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay dagaalka Xalay mar kale dib uga qarxay Boosaaso, kadib xabbad joojin shalay labada dhinac ay ku dhawaaqeen,taasi oo ay qayb weyn ka qaateen Isimada iyo dhaqan Puntland.

Qoraal kasoo baxday Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka go’an tahay sarreynta sharciga iyo ilaalintiisa, waxaana Agaasimihii hore ee PSF ay ku eedeeyeen in uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso,

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Asad Diyaano uu si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.

Hoos Ka akhriso Qoraalka kasoo Baxay madaxtooyada Puntland

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa mar wal ba ka go’an illaalinta dowladnimada ku dhisan sareynta sharciga. Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in Agaasimihii hore ee PSF uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso, asagoo si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.

Haddaba, si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF, Dowladda Puntland waxay ku celinaysaa in ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, Dowladduna waxay qaadaysaa wixii tillaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor