Madaxtooyada oo War kasoo saartay kulan ka dhacay Teendhada Afisyooni

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Goor dhow War kasoo saartay kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo iyo qaar kamid ah Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka dhacay Teendhada Afisyooni.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in Farmaajo uu shir Guddoomiyay kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka furmaya Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xalane.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay dalbadeen in marka hore la isku raaco Ajendaha looga hadlayo Shirka Madaxda ee Maanta furmaya.

Sidoo kale labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in qaabka agaasinka Shirka aanu aheyn sidii balanta aheyd oo ay Codsadeen in Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto, isla markaana ay ka qeyb galaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor