HomeWararMadaxda Xisbiga Shariif Sheikh Axmed iyo RW Rooble oo isla qaatay go’aan...

Madaxda Xisbiga Shariif Sheikh Axmed iyo RW Rooble oo isla qaatay go’aan adag oo ku aaddan doorashada

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Madaxda Xisbiga Himilo-qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed ayaa Maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi, Wasiirudowlaha Cadaaladda XFS ahna Xoghaya Guud ee Xisbiga Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Dr. Maxamed Maxamuud Shirwac iyo Xoghaya Maaliyadda xisbiga Himilo Qaran Cabdinaasir Maxamed Sh Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Raysal wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka  ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa sixidda Doorashada iyo dardar gelinta doorashooyinka, waxaana la isku raacay in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dib u dhigi kara arrimaha doorashada taasoo saldhig u ah horusocodka Dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Golaha Midowga Musharixiinta ay ku dhawaaqeen Shirweyne, kaasi oo aysan shaacin xiliga uu furmi doono, waxaana soo baxayay Warar hoose oo sheegayay in Xubnaha midowga Musharxiinta ay ku kala qaybsameen tallabadaasi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories