Madaxda Wadatashiga Qaranka iyo ku-xigeenka QM oo ka wada hadlay Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Maanta kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Kulanka Madaxda Golaha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa aalada ZOOM-ka uga qeyb galay kulanka, halka Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay goobjoog ahaayeen kulanka ka dhacay Muqdisho.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed iyo wafdi ay hoggaamineysay oo Maanta soo gaaray Caasimadda ayaa kulan hore la qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed  ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor