Madaxda Wadatashiga Qaran oo Maanta kulan gaar ah la yeeshay Beesha Caalamka

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa Maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Kulankaan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlay geedi socodka hanaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga arrinsaday sidii Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka isaga kaashan lahaayeen xiligi kala guurka ah sidii dalka ay uga dhacdo doorasho ku qabsoomta nabad iyo Cadaalad.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyad u sheegay inay diyaar u yihiin inay taageeraan doorashada dhaceysa, isla markaana ay bixin doonaan qarashka loogu tala-galay doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Beesha Caalamka ku boggaadiyey dadaalka ay la garab taagan yihiin dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna u xaqiijiyay in dalka ka dhici doonto doorasho xor ah.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalin kahor Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, xili ay kasoo horjeesteen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Ururrada Bulshada Rayidka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor