Madaxda M/Goboleedyada oo War kasoo saaray Qaraxii lagu le’day

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa si kulul uga wada hadlay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo , halkaas oo ay ka socotay Munaasabad lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Rooble io Madaxweyne Qoorqoor.

Qoraalo kasoo kala baxay Xafiisyada Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Puntland ayaa lagu Cambaareeyey qaraxii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo dadweyne kale oo ku sugnaa Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxda ayaa tacsi u diray dhammaan Saraakiishii iyo dadka shacabka ah ee ku geeriyooday qaraxaas oo fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, halka ay Alle uga baryeen inuu Caafimaad siiyo kuwa dhaawacmay ee la dabiibayo.

Taliyihii Ciidanka qeybta 21-aad Cabdicaiis Cabdullaahi Qooje, Tailiyihii DANAB ee Galmudug, ku-xigeenkiisa, Guddoomiyihii horey ee Gaalkacyo Yaasiin Tumey iyo Saraakiil kale ayaa kamid ahaa dadkii ku naf-waayey Qaraxii shalay.

Dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana la sheegay in dadka dhaawacmay oo ku dhow 20 qof ay qaarkood ku jiraan dad qaba dhaawacyo Culus.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo, iyagoona sheegtay inay halkaas ku dileen Saraakiil muhiim ah oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media