Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka oo kulan u socda

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa hotel ku yaalla Xerada Xalane ee xeyndaabka Garoonka Aadan Cadde.

Kulanka u dhexeeya dhammaan Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlayaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa iyo sidii loo xalin lahaa.

Sidoo kale kulanka dhinacyada ayaa waxaa looga arrinsanayaan Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo la filayo inuu ka dhaco Teendhada Afisyooni, kaasi oo looga hadli doono doorashada.

Madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa horey is faham uga gaaray shuruudaha Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu xireen ka qeyb galka Shirka guud ee Madaxda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Shanta Madaxweyne dowlad Goboleed ku boorinayay inay qaataan doorkooda kaga aadan hirgelinta heshiiska doorashada ee 17 September iyo in dalka doorasho lagu mideysan yahay ka dhaco.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku dooneyso in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah uga gaaran khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor