Madaxda DF iyo M/Goboleedyada oo markale Maanta Shir isugu imaanaya

Shirka u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo tallaado ah dib uga furmi doona Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo markii hore furmay maalintii sabtida aheyd ayaa waxaa looga hadlay Ajendayaasha Shirka guud ee Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada iyo sidii looga wada hadli lahaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxda ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay siweyn dood uga yeeshay shuruudo Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ku xireen ka qeyb galka Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashada.

Shirka Madaxda ee u socday sabtida iyo Axada ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana shalay oo Isniin aheyd hakad galay shirka Madaxda, iyadoo lagu balamay in Maanta uu dib u bilowdo wada-hadalka.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis xoogan ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Dhinaca kale dowladdaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa si toos ah ugu hanjabay dhinacyada isku haaya siyaasadda dalka, iyagoona u sheegay inay cunaqabateyn saari doonaan cidii fulin muujin weyda tanaasul iyo dabacsanaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor