Madasha Xisiyada iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan u socda

Waxaa haatan Magaalada Muqdisho uu kulan uga socdaa Hoggaanka sare ee  Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo arrimo xasaasi ah uuna daba socdo kulamo horey u dhexmaray Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Guddoomiye Muudeey oo qeyb ka ah kulanka ayaa waxaa la sheegayaa in Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu fariimo uga wado Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maalmo kahor Madaxweynayaashii hore ay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka farriin ugu dhiibeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo ku aadan Mowqifka Madasha ee doorashada 2020/2021.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaado waxaa la filayaa in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay la hadlaan warbaahinta, iyagoo faah faahin doona arrimaha laga wada hadlay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media