Madasha Xisbiyada oo War xasaasi ah kasoo saartay Doorashada Dalka

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Goordhow War kasoo saartay Doorashooyinka la filayo inay  ka dhacaan dalka dhamaadka sanadkaan 2020/2021.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilmeen qabashada Doorasho Qof iyo Cod  oo ku dhacda waqtigeeda heshiisna lagu yahay.

Sidoo kale Madasha ayaa Baarlamaanka ugu baaqday in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyay Guddigii wadajirka ahaa, ayna dalka iyo deegaanadabau horseedeyso qalalaase iyo degenaansho la’aan xalintiisu adkaato muddo dheer.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku baaqday in Shir Deg deg ah la isugu yimaado si looga tashado looguna heshiiyo nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa, inta aysan dhicin muddo xileedka Dastuurka ee Baarlamaanka Dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media