Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb

Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War kasoo saartay Shirka Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxweyneyaasha Maamulada dalka ee 9-ka bishaan u furmaya, kaasi oo looga hadli doono Arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale.

Madasha ayaa sheegtay inay ka xun tahay fashilkii ku yimid kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Magaalada Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July.

Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqday inay u istaagaan gudasha waajibaadka ka saran howlaha Dastuuriga ah ee dalka ee suurta-gal ka dhigi kara qabsoomida Doorasho xor iyo xalaal ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media