Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay kulankii ay la qaateen Guddoonka labada Aqal

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan Magaalada Muqdisho kula qaatay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka.

Kulamada ayaa intii ay socdeen ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo kamid tahay xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan, Si gaar ah waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka.

Qoraal dheer oo kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu faaf faahiyay kulamada labada dhinac dhexmaray, waxaana qoraalka uu u qornaa sidan:

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ), mudane Sharif Sheikh Axmed iyo mudane Xasan Sheih Maxamud oo ka tirsan hoggaanka sare ee MXQ ayaa kulammo wadatashi ah waxay Axaddii (7 June 2020) la kala yeesheen labada guddoomiye ee labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Mursal (Golaha Shacabka) iyo mudane Cabdi Xaashi (Aqalka Sare).

Hadafka kulammadan wuxuu ahaa in madaxweynayaashii hore ee dalka iyo hoggaanka golayaasha sharci dajinta dalka, inay iska wareystaan xaaladda guud ee uu marayo dalka xilligan. Si gaar ah, waxay labada dhinac diiradda u saareen arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo dhawaan, maadaama lagu jiro dhammaadka xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee federaalka.

Dood iyo gorfeyn qoto dheer kaddib, waxay guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran isla garteen ahamiyadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla ummadda Soomaaliyeed xilligan, lana abuuro jawi deggan oo si kalsooni ku dheehan tahay loogu abbaari karo waajibaadka dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka federaalka.

Sidoo kale, waxay labada dhinac isla qaateen in la ballaariyo wadatashiga, lana tixgaliyo baaqyada kasoo yeeraya qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo gaaro xal ku dhisan isqancin iyo wada-oggol.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaranka wuxuu ka mahad celinayaa kulanka guddoonka baarlamaanka dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqayaa inuu diyaar u yahay inuu amuuraha masiiriga ah ee dalka kala xaajoodo cid walba oo kamid ah saamileyda siyaasadda dalka.

Madasha Xisbiyada Qaran waxaa loo yagleelay ilaalinta dastuurka KMG ah ee dalka, midnimada gayiga Soomaaliyeed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee dalka. Tallaabo walba oo ay qaadeyso MXQ waxay noqoneysaa mid ku qotonta mabaadii’daas aasaasiga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media