Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay hadalkii kasoo yeeray RW Kheyre

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in dhaceyso doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ku dhiiragelinayaan hadalka Kheyre ee uu uga hadlay Arrimaha Doorashada 2020/2021 iyo muhiimada ay leedahay in Doorasho dalka ka dhacdo.

Madasha Xisbiyada ayaa dowladda Federaalka ugu baaqday inay ka dhabeyso hadalka Kheyre, ayna aqbasho qabashada shir Deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqan geliyo xeerarka iyo sharciyada Baarlamaanka ansixiyay.

Hoos ka Akhrsio Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media