Hoggaanka Sare ee Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah Xarunta Madasha kula yeeshay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.
Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ee lagu dhawaaqay inuu qabsoomi doono siduu u noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Qoraal kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu soo kusoo dhamaaday Jawi farxad leh iyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danaha guud ee dadka.