Madasha Xisbiyada oo ka digtay dagaal sokeeye Eedeyn Culusna u jeedisay DFS

War-saxaafadeed Deg-deg ah oo Goordhow ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa walaac looga muujiyay dagaallada sokeeye ee soo noqnoqday ee ka dhacaya deegaannada Soomaaliyeed.

Madashu waxay caddeysay inay u taagan tahay nabad u raadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in gacmo siyaasadeed uga muuqdaan dagaallada soo noq-noqday ee ka dhacaya deegaanno kala duwan oo dalka kamid ah.

“Madashu waxay u aragtaa inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoqdey. Madashu waxay u taagan tahay Dhiirigalinta nabadda, xasiloonida iyo dariswanaagga, Ilaalinta sharafka, dhiigga, maalka shaqsiga iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waxayna bulshada ku dhiirigalinaysaa ka fogaanshaha hadallada xanafta leh ee kicin kara ama dhaawici kara dareenka dadka iyo ka baaqsashada hurinta colaadaha” ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Madasha ka soo baxay.

MXQ oo adkeysay siday uga xun tahay, uga soo horjeeddo, una cambaareyneyso falalkii arxan darrada ahaa ee lagu xasuuqay Muwaaddiinniinta Soomaaliyeed ee lagu laayay deegaanka Gololey ayaa dalbatay in cadaaladda la hor keeno raggii dareeska ciidamada qaranka ku labisnaa ee dhaqaatiirta arxan darrada u dilay.

Madashu waxay DF uga digtay abaabulka shirar lagu hurinayo colaad iyadoo is hor taageysa shirar bulsho oo danaha dadka iyo dalka looga tashanayay, waxaana si toos ah dowladda fedraalka loogu eedeeyey dagaalladii ka dhacay Muqdisho, Sh/Hoose, Sh/dhexe, J/Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Gaba gabadii waxay Madasha Xisbiyada Qaran ugu baaqday hoggaanka DF inuu joojiyo dagaallada siyaasadeed iyo midka ciidan ee ka dhan ah dowlad goboleedyada, waxaana farriinta u dambeysa lala wadaagay wax garadka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada oo loogu baaqay inay u istaagaan doorkooda ku aaddan daminta colaadaha sokeeye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media