Madasha Xisbiyada oo caddeysay Mowqifkeeda kalsoonidii lagala noqday RW Kheyre

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan xilka qaadistii lagu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madashu ay kalsooni noqoshadii Xukuumadda ay u aragto mid ujeedadiisu aheyd carqaladeynta iyo burburinta Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Magaalada Dhuusamareeb, looguna gogol xaarayo muddo kordhin.

Sidoo kale Madasha ayaa tilmaamtay inay aad uga xun tahay in xiligaan oo waqtiga Hay’addaha Dastuuriga uu sii dhamaanayo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hormuud ka noqdo qalaalo siyaasadeed oo ay adegtahay maareyteeda.

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku baaqay in la ilaaliyo is fahamka bilowga ah, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara qalaalo siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Madasha Xisbiyada. 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media