Madasha Badbaado Qaran oo shaacisay inay Gacmaha ka laaban doonin muddo kororsiga

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay Arrinta muddo kordhinta ee laga shaki qabo inuu ku dhaqaaqo Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa siweyn looga horjeesatay qorshaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ku doonayaan inay muddo kordhin ugu sameeyaan Hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madasha ayaa sheegtay in muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 29-kii Disember 2020, halka Farmaajana uu ku  ekaa 8-dio Febraayo, isla markaana uusa jirin go’aan ama sharci ka sareeyn kara Dasruurka u yaalla dalka.

Sidoo kale Madasha ayaa muddo kordhinta ku tilmaamtay inay tahay marin dhidhibada loogu aasayo kali talisnimo, laguna carqaladeynayo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay, laguna wiiqayo dadaalada socda.

Madasha Badbaado Qaran ayaa caddeeysay  in aysan marnaba aqabali doonin muddo kororsi, isla markaana aysan gacmaha ka laaban doonin arrintaas oo ay sheegeen in lagu carqaladeynayo doorashada, laguna khal-khal gelinayo xasiloonida dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Badbaado Qaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor