Madasha Badbaado Qaran oo Qoraal xasaasi ah u dirtay Beesha Caalamka

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Qoraal ka dhan ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo u diray Wakiilada Beesha Caalamka.

Qoraal oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay hirgelinta doorasho loo dhan yahay oo dalka Soomaaliya si nabad ah uga dhacda, iyagoona ku eedeeyay inuu abuurayo khalalaaso siyaasadeed.

Madasha ayaa Qoraalkooda ku sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uusan xiligaan laheyd sharciyad uu shir isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, uuna horey u fashiliyay shirar la qabtay.

Sidoo kale Madasha Badbaado Qaran ayaa tilmaamtay in Farmaajo weli uu xaalad Colaadeed ka abuurayo Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, isla  markaana halkaas dowladda Federaalka labadii maalin ee lasoo dhaafay ku daabushay Ciidamo.

Waxaa kaloo Madasha ay xustay in Farmaajo amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan ee Magaalada Muqdisho, taa oo ay sheegeen in lagu doonayo fashilinta shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Ugu dambeyn Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban, isla markaana dalbaday in Shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni la ballaariyo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay Madasha u dirtay Beesha Caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor