Madasha Badbaado Qaran oo kulan Deg-deg ah ku yeelaneysa Muqdisho

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor dhow kulan deg deg ah ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Kulanka Madasha Badbaado ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis laga gaarin.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka Madasha intiisa badan diirada lagu saari doono Shirka la filayo in Maanta Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku yeeshaan Teendhada Afisyooni.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan ka qeyb gelin kulan hordhac ah oo uu shir Guddoomiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo oo barqanimadii Maanta ka dhacay Afisyooni.

Kulanka oo hordhac u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020  ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya, Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiya Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor