Madasha Badbaado Qaran oo Farmaajo ku Eedeysay inuu dayacay Ciidamada

Madasha Badbaado Qaran oo ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab shalay ay ku qaadeen degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Sh/Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha ayaa waxaa marka hore lagu boggaadiyay Ciidanka Xoogga dalka ee iska difaacay weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, iyagoona tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Askarta ku dhimatay weerarka.

Madasha Badbaado Qaran ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ku eedeysay inuu dayacay Ciidanka ku sugan furimaha hore ee dagaalka, isla markaana Ciidankii ku sugnaa Saldhigyadii shalay la weeraray uu u soo daad-gureeyay Muqdisho.

Sidoo kale Madasha ayaa Farmaajo ku eedeeysay in hubkii loogu tala-galay in lagula dagaalamayo Al-shabaab uu u wareejiyay Gobolka Gedo, si deegaanadaas looga huriyo Colaad, sidoo kalena ayna ay dayacan yihiin Hay’addihii Sirdoonka Qaranka.

Madasha Badbaado Qaran oo ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku baaqday in Ciidanka Qaranka laga saaro loolanka siyaasadda, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaranka, una helaan taageero.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Badbaado Qaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor