Madaafiic lagu garaacay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Mamaul Goboleedka Galmudug ayaa caawa si weyn looga Maqlayaa dhawaqa Hoobiyeyaal la sheegay in Magaaladaasi lagu garaacayo, xili dadka degaanka ay soo food saartay Cabsi xooggan oo ku aaddan arrintaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in haatan ay Magaalada ka taagan tahay Cabsi aad u xooggan, waxaana wararku intaasi ku darayaan in Airportka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Lagu gaaracay Madaafiic, sidoo kalena waxaaa socda oo la maqlayaa Rasaas xooggan.

Wali ma cadda cidda sida rasmiga ah usoo weerartay Airportka Dhuusamareeb,balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyadoo cabsi ay soo foodsaarat dadka ku nool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.