Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas habeenkii xalay aheyd ay kusoo dhaceen tirro Madaafiic ah oo jugtooda siweyn looga maqlay Magaalada.
Ilaa iyo Sagaal madfac ayaa la sheegay inay ku soo dhaceen xaafaddo ka tirsan Baladweyne, halka kuwo kalena lagu garaacay xero Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Galbeed ee Magaalada, iyadoo AMISOM ay ka jawaabtay Madaafiicda.
lix kamid ah madaafiicda lagu garaacay Baladweyne ayaa ku kala kacay Xaafadaha Buundweyn iyo howladaag, halka saddex kalena ay ku dhaceen xerada Ciidanka AMISOM.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in jugta Madaafiicda ay maqlayeen, isla markaana ay dareemeen cabsi xoogan, iyagoo xusay in AMISOM ay Jawaabtay Madaafiicda, kuwaasi oo la tilmaamay inay ku dhaceen dul-howd ah.
Weli si dhab ah looga oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda, maadaama ay aheyd xili habeen ah, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Gobolka Hiiraan oo ay uga hadlayaan dhacadaas.