Maareeyihii Guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo shaqada laga joojiyey

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Khaliif Cabdi ayuu shaqada uga joojiyay Maareeyihii guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka, isla markaana waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo kala duwan uu ku kacay iyo Wadashaqeyn la’aanta Mas’uuliyiinta kale ee Hay’adda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xilka Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed si KMG ah ugu magacaabay inuu noqdo maareeye ku-xigeenka Hay’addaasi

Wasiir Khaliif Cabdi Cumar ayaa faray dhammaan hay’addaha kala duwan ee dowladda oo wadashaqeynta kala dhexeeyso Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan oo ay gacan kusiiyaan maareeye ku-xigeenka Hay’addaasi ee la magacaabay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga