Maamulka Warta-Nabadda oo ka hadlay weerarkii Guriga lagu tumayay Mingiska

Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa faah faahin ka bixisay weerar Nin hubeysan uu ku qaaday Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan Degmadaas.

Guddoomiye Xaabsey oo warbaahinta kula hadashay Guriga la weeraray ayaa sheegtay in Nin ku hubeysan qori AK47 uu rasaas xoogan ku furay dad ku sugnaa Guri ku yaalla agagaarka Masjidka  Xaaji Yuusuf oo xiliga uu falku dhacaayay si dhuumaaleysi ah loogu tumayay Mingiska.

Waxaa ay sheegtay Seynab Xaabsey in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona xustay in dadka la weeraray horey looga soo saaray Xaafad ka tirsan Degmada, hayeeshee dadkaas ay soo degeen goobta galabta lagu weeraray, iyagoona Maanta dib u bilaabay tumista Mingiska.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegtay in laamaha amniga ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu soo qabanayo Ninkii Maanta falka geystay, isla markaana Maamulka Degmada Warta-nabadda uu la wareegay Gurigaas.

Guddoomiye Xaabsey ayaa tilmaamtay in laamaha amniga degmada ay dad ka wadeen Guriga la weeraray, ayna weeydinayaan Su’aallo la xiriira sida uu weerarka u dhacay.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday weerarka rasaasta ahaa ee lagu furay Guriga, halka 9 qof kalena oo u badnaa Haween ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa dadka waxyeelada soo gaartay la dhigay Xarun  Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media