Maamulka Shabeellaha Hoose iyo AMISOM oo ka shiray sugida amniga Doorashada

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cabdiraxiin ayaa Magaalada Baraawe kulan kula qaatay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sidii Ciidamada AMISOM ay ugu diyaar garoobi lahaayeen howlgalo lagula dagaalamayo Al-shabaab oo la doonayo in laga fuliyo degaano ay Shabaabka kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Maxamed Cabdiraxiin iyo Saraakiisha AMISOM ayaa sidoo kale ka arrinsaday qorshaha lagu sugayo amniga doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Maamulka Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dardar-geliyo howlaha lagu xaqiijinayo amniga Magaalada iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna Guddoomiye Maxamed Cabdiraxiin u mahadceliyay Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee uu la kulmay.

Magaalada Baraawe ayaa kamid ah Magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaanka Koonfur Galbeed, waxaana Magaaladaas tegaya wufuud kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor