Maamulka Puntland oo kordhiyey Bandowga saaran Magaalooyinka

Madaxweynaha Puntland Ahna Guddoomiyaha Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa galabta Shir-guddoomiyey kulanka Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Coronavirus.

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, ayaa Shirkan ku-guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah iyadoo Guddi hoosaadkasta oo Guddiga ka mid ah muuqaal-wicitaanka kasoo galeen Xarumaha Wasaaraddaha Caafimaadka, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Waxbarashadda.

Guddiga oo u kala qeybsan Wacygelinta, Amniga, Maaliyadda iyo Maciishada ayaa warbixin ka siiyey Madaxweynaha shaqooyinka qabsoomay iyo sida ay u socoto diyaar-garowga iyo ka hortagga ee caabuqa Covid-19.

“Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga  iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinaya illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay.

Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan.

Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay in muddo kordhin Bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajida lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media