Maamulka Puntland oo Amar dul-dhigay Ciidanka PSF, xili uu muran taagan yahay

Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka hadlay tallaabada uu Agaasimihii Ciidanka PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano ku diiday inuu xilka ku wareejiyo, kadib xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Taliye Yaasiin Dheere oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka  Bari ayaa sheegay in xiligaan Boosaaso aysan u baahneynin xiisad iyo Colaad, isla markaana ka cosaday inuu si nabad ah ku wareejiyo xilka.

Taliyaha Ciidanka difaaca Puntland ayaa xusay in Ciidanka PSF-ta Puntland aysan aheyn Ciidan uu qof leeyahay oo yihiin Ciidan maamul, wuxuuna Maxamuud Cismaan Diyaano ka dalbaday inuu xilka ku wareegiyo Agaasimaha cusub ee la magacaabay.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Yaasiin Cumar Dheere ayuu caddeeyay in Maamulka diyaar u aheyn xiligaan Colaad iyo xiisad dagaal laga abuuro Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, loona baahan yahay in si nabad ah arrinta ku dhammaato.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Boosaaso u tageen xil wareejinta Agaasimaha cusub ee PSF, hayeeshee weli aysan arrintaas suurta-gelin.

“Dhammaan Ciidamada PSF ee Boosaaso jooga waxa la farayaa in aysan xerada kasoo bixin, gadiidkana sidoo kale, Xilku waa meerto, Maxamuud Cismaan waxaan leeyahay yaan dhalinyaranimo ku qaadin, Anagu waxaan u dhaaranay difaaca Puntland, cidna ka yeeli mayno in ay Amniga Khalkhal geliso” ayuu yiri Wasiir Cabdisamad Gallan.

Agaasimihii Ciidanka PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa ka horyimid xilka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isagoona ku tilmaamay xilka qaadista mid sharci darro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor