Maamulka Magaalada Baladweyne oo fariin u diray Dowladda Federaalka

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa ay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Gobolka Hiiraan. Ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada Dowladda ayaa Howlgalka si gaar ah uga fuliyay deegaanka Ceel-baar iyo deegaano kale oo hoos yimaada, kadib markii la sheegay in halkaas ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cismaan Dhicisow Duubow oo la hadlay watbaahinta ayuaa

Taliyaha Saldhiga galbeedka Magaalada Baladweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in hwolgal qorsheysan ay ku qaadeen Al-shabaab ku sugnaa deegaano hoostega Magaaladaas oo uu sheegay inay dadka shacabka ka qaadayeen lacago u uku tilmaamay Zakawaad.

Waxaa uu sheegay Taliyaha Saldhiga in deegaanada howlgalka ka dhacay ay ku sugan Ciidanka dowladda Federaalka, isla markaana uusan kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay inta uu socday ee soo kala gaaray labada dhinac.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cismaan Dhicisow Duubow oo isna ka hadlay howlgalka la fuliyay ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay inay Ciidamo u soo dirto shacabka kunool deegaano hoostega Baladweyne oo dhibaato lagu haayo oo Shabaab dadka ay ka qaadayaan xoolo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa horey dhowr mar dagaalo kala duwan waxaa ay ku dhexmareen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kalena dhacay weeraro halkaas ay ka geysteen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor