Maamulka Jubbaland oo Maanta lagu wareejiyay gaadiid badan

Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo tallaado ah Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay kala wareegtay gaadiid loogu tala galay Hormarinta Ciidanka Booliska.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Nuur Shaafi Maxamed ayaa gaadiidka kala wareegay Wakiillo ka socday Hay’adda, isagoo intaas kadib la hadlay warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo.

Agaasime Nuur Shaafi ayaa waxaa uu marka horey sheegay in gaadiidka uu xiligaan u baahan yahay Maamulka, si uu ugu shaqeyo, isla markaana baahi ay ka jirtay dhinaca gaadiidka ee Ciidanka Booliska.

Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay ayuu u mahadceliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Jubbaland, isagoo sheegay in gaadiidkaas lagu qaban doono shaqadii loogu tala-galay.

Gaadiidkaan waxaa loogu tala galay in ay ku hawlgalaan ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Jubbaland, iyagoo adeegsan doona xiliyada ay fuliyaan howlgalada lagu xaqiijiyo amniga deegaanada maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media