Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Dhoobleey

Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal u dhexeeyay Ciidanka Nabadsugida Maamulkaas iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo xalay ka dhacay gudaha Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Dhoobleey, waxaana halkaas ka dhacay dagaal daqiiqado socday.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa BBC-da u xaqiijiyay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarka, wuxuuna sheegay in laga dilay hal askari, isla markaana uu gubtay baabur ay lahaayeen Ciidanka Jubaland.

Al-shabaab, war qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda internet-ka ayaa waxay ku sheegeen inay dileen askar bada, isla markaana ay qabsadeen saanado hub ah, inkasta oo Jubbaland beenisay sheegashadaasi Shabaab.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxaa ay weeraro geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ugu qaadeen Saldhigyo Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor