Maamulka Jubbaland oo Digniin culus u diray Odayaasha

Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga deegaanada Jubbaland iyo u diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano lagu xaqiijinayo sugida amniga deegaanada Maamulka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Kulanka ay yeesheen Golaha oo ka qabsoomay Kismaayo.

Jubbaland ayaa digniin u dirtay Odayaasha dhaqanka deegaanadeeda iyo cid kasta oo xiriir la leh Al-shabaab, waxaana Saraakiisha amniga gaar ahaan Hay’addaha NISA Jubbaland la faray inay tallaabo adeg ka qaado cid kasta oo ku xad-gudubta amniga.

Sidoo kale Golaha amniga ayaa isku raacay in la joogteeyo shirarka looga hadlayo sugida amniga, isla markaana wadashaqeyn buuxda ay yeeshaan Ciidamada qeybahooda kala duwan, si looga hortego falalka amni darro.

Ugu dambeyn Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa waxaa la faray inay gudato waajibkeeda kormeerka, la -dagaalanka iyo hubinta habsami u socdka shaqada howlaha sugida amiga.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka lasoo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor