Maamulka Jubbaland oo baaraya xasuuq la sheegay in Ciidamo ka geysteen J/Hoose

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay baaris ku sameeyn doonaan xasuuq la sheegay in Ciidanka Maamulka iyo kuw  DANAB ee dowladda Federaalka ka geysteen deegaan lagu magacaabo Quddus oo hoostega Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan oo ka hadlaayay kulan uu la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Maamulkaas ayaa waxaa uu sheegay inay cabasho kasoo gaartay howlgal Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaanka Quddus oo qiyaastii 65 KM u jira Magaalada Kismaayo.

Maxamuud Sayyid ayaa waxaa uu tilmaamay in baaris lagu sameeynayo xasuuq sababay dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyey dad shacab ah oo ay sheegeen dadka deegaanka Quddus in Ciidamada ka geysteen deegaankaas, xili ay howlgal ku jireen.

Xildhibaanada iyo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa isla gartay in baaris dhab ah lagu sameeyo dhacdadaan, isla markaana warbixin laga soo saaro baarista ku aadan sidii wax uga dhaceen deegaanka Quddus oo 65 KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Odayaasha dhaqanka iyo dadka deegaanka Quddus ay ku eedeeyay Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa DANAB ee Xoogga dalka inay  dhibaatooyin kala duwan ka geysteen deegaankaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor