Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka hadlay Dhaawacyada Qaraxii Muqdisho

Maamulka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda dhaawacyada la geeyay Isbitaalkaas ee ku dhaawacmay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni ee degmada Xamar-jajab.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Haashim Maxamed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in xalay Isbitaalka la geeyay 18 ruux oo dhaawac ah oo 12 kamid ah dadkaas ay yihiin Rag, halka 6 kalena ay Dumar ahaayeen.

Waxaa uu sheegaya Agaasime Haashin Maxamed in 10 kamid ah dadka ay qabeen dhaawacyo culus oo waxyeelo xoogan kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Maqaayada Luul Yemeni ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa caddeeyay in aysan jirin dad qaba dhaawacyo oo u baahan in dalka dibadiisa xaalad Caafimaad loogu qaado, isla markaana gudaha dalka dadkaas dhaawacmay wax loogu qaban karo.

Inta la xaqiijiyay in ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooday dad gaaraya 20 ruux, iyadoona dadka waxyeelada soo gaartay ay ku jiraan dad ay kusoo dumeen dhismayaal ku yaalla goobta qaraxa.

Al-shabaab oo warar ku faafiyay baraha qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Maqaayada Luul Yemeni ee ku taalla agagaarka dekadda Muqdisho,  iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakiil Ciidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor