Maamulka Hirshabeelle oo Baaq Gurmad u diray Dowladda Federaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cabdixakiin Lukmaan Maxamed ayaa kormeeray qeybo ka mid ah xaafadaha iyo hareeraha Magaalada Jowhar oo ay go’doomiyeen roobabkii maalmahan ka da’ayay Caasimadda Jowhar.

Guddoomiye Cabdixakiin Lukmaan iyo Mas’uuliyintii kormeerka ku wehlineysay waxey u kuur galee xaaladda dhabta ah ee ka jirta xaafadda badda cas ee Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sido kale waxaa ay booqdeen Isbitaalka waabyarey ee Hooyada iyo dhallaanka ee Xafadda Hanti wadaag, isla markaana gaarsiiyay deeq daawo ah oo loogu tala-galay dadka fatahaadaha saameeyen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqaya Bulshada Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo cid walba oo wax heysta inay usoo gurmadaan dadkan fatahaada Webiga iyo Roobabka saameeyen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor