Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiye beeleed ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelsha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dagalkaan ayaa la Isku adeegsaday hub culus waaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay 7-ruux ayaa ku geeriyoitay dagaalkaas sida dadka deegaanku ay u sheegeen idacada dalsan iyada oo weli xiisadi ay halkaasi ka taagantahay.

Maamulka gobolka Shabeellaha ayaa si kulul uga hadlay dagaalkaan ka dhacay deegaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa Dagaal beeledka maanta ka dhacay ceelasha biyaha waxaan xiriir la sameeyay ciidamada amaanka si ay u kala dhexgalaan” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose

Ugu dambeyntii Odayaasha dhaqanka waxaan ugu baaqaya inay qeyb ka noqdaan dajinta colaadda halkaas kasoo cusboonaatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media