Maamulka Gobolka Hiiraan oo Deeq Caafimaad lagu wareejiyay

Ciidamada Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo qaybta ka ah howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Daawadan oo noocyo badan isugu jira noocyo kala duwan ayaa ah qaybtii Labaad ee ay Midowga Afrika gaarsiiyaan Baladweyne Bishan gudaheeda, waxaana loogu tala galay in loo qeybiyo xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka guddoomay deeqda ay midowga Afrika ku yabooheen Isbitaalka Baladweyne, wuxuuna ugu mahad celiyay caawinaadda ay lasoo gaareen Shacabka tabaalaysan.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in Daawada ay soo gaarsiiyeen AMISOM Isbitaalka ay tahay mid muhiim ah, isla markaana shacabka ku dhaqan Gobolka ay u baahan yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media