Maamulka Gobolka Hiiraan oo Baaq u diray Hirshabeelle iyo Dowlada Federaalka

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka  Gobalka ayaa maanta kulan la qaatay Hay’addaha samafalka ee ka howlgala gobalka Hiiraan gaar ahaa Magaalada Baladweyne.

Kulanka ayaa inta badan waxaa lagu gorfeeyay Sidii wax looga qaban lahaa  oo xal loogu heli lahaa Abaaraha xoogan ee ka jiro Gobalka Hiiraan loona sameyn lahaa Gargaar Bani’aadanimo oo la taaban karo.

Guddomiyaha Gobalka Cali Jeyste ayaa Carabka ku adkeeyey  in hay’adaha aay si dhab ah gargaar ugu fidiyaan dadka Aay sameeyen abaaraha ee ku soo Bara’kacay Gudaha magaalada Baladweyne iyo Deeganada ku Teedsan .

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in haddii hay’adaha ay gargaar y sameeynayaan shacabka ay u fidiyaan wax la taaban karo oo aas-aas u ah Nolasha.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa Baaq u diray madaxda sare ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xireenka Maamulka Hirshabeelle iyo Madaxda Dowladda Fadaraalka Soomaaliya in qorsho dhab ah iyo gargaar loo fidiyo Shacabka aay Abaaraha saameyen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor