Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta soo bandhigay gaadiid badan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta tallaado ah xariga ka jaray dhismaha Xarunta Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Gobolka uu u taagan ka shaqeyn Bilicda iyo Horumarinta Caasimadda Muqdiaho, xili dhawaan waddooyinka qaar ee Magaalada ay xireen biyo farabadan oo ka hooray roobabkiin da’ay.

Xarig-Jarka ka hor Agaasimayaasha Gurmadka degdega ah iyo Howlaha Farsamada Dowlada Hoose ayaa goobta ku soo bandhigay Gaadiidka Dowladda hoose oo isugu jira Baalayaal, Ambalaasyo, Dab-damisyo, Iska rogayaal, Cagaf-Cagafyo iyo Gaadiidka Qashinka qaada.

Guddoomiye Cumar-Filish oo u mahadceliyey Shaqalaaha iyo Madaxda Howlaha Farsamada iyo Gurmadka ayaa intaa ku daray in ay Gobolka Banaadir heystaan Gaadiid ay ugu adeegi karaan shacabka Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media