Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hor yimid Bannaanbax loo qorsheeyay in lagu qabto Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa loogu hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho iyadoona Duqa Magaalada Muqdisho uu warbixin ka siiyay ka qeybgalayaasha shirka waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay soo dhaweeyeen dhamaan daneeyeyaasha Siyaasadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimada ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir. waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Nabadgelyada Caasimada.

Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho aysan ka dhici karin dibadbaxyo uusan maamulka ka war heyn.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii Muqdisho lagu qabtay shir looga arrinsanayo amniga caasimadda oo ay ku sugnaayeen madaxda degmooyinka Banaadir iyo saraakiisha amniga.

Waxaana sidoo kale taa barbar socotay hadal hayn maal mahaan soctay oo ku aaddanayd in Muqdisho lagu qaban doono bannaanbaxyo nabadeed, oo looga soo hor jeedo Madaxweynaha muddo Xileedkiisu dhammaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor