Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul-dhigay shacabka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Arbaco ah soo saaray soo saaray Ganaaxyo lacageed oo laga qaadayo dadka aan istecmaalin Af-xerashada (Face Mask) si loogu hortego Cudurka halista ah ee COVID-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay xaaladihii u dhexeeyay ee Cudurka COVID-19 oo si weyn ugu faafayo gudaha Caasimadda, kadib markii uu soo laba kacleeyay Cudurka.

Kulanka oo dhexmaray Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar-gelinta sidii dadka looga wacyi-gelin lahaa Cudurka, iyagoona kulanka kadib soo saaray Go’aano.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shacabka Magaalada Muqdisho ku amray inay qaatan Af-xer (Face Mask) markii ay kasoo baxayaan guryahooda, waxaana cidii fulin weyda amarkaas laga qaadi doonaa Ganaax lacageed oo dhan 5 doollar.

Sidoo kale Maamulka ayaa sheegay in goobaha Ganacsiga iyo goobaha kale ee la isugu yimaado cidii gasha af-xirasho la’aan Milkiilaha goobtaas laga qaadi doono Ganaax lacageed oo dhan 50 dollar.

Ugu dambeyn hirgelinta amarkaas ayaa waxaa la faray Taliska qeybta Gobolka Banaadir, waxaana amarka looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 uu bilaaban doonaa 15-ka bishaan Maarso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor