Maamulka Gobolka Bakool oo Digniin adeg u diray Ganacsatada

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuur ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo sidii ay dib u furi lahaayeen waddooyinka xiran ee soo gala magaalada Xudur, maadaama ay go’doomiyeen Al-Shahaab.

Guddoomiye Shiine oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kulan  dhawaan uu la qaatay ganacsatada kala hadlay in gaadiidka xamuulka ay soo mariyaan waddooyinka dowladda gacanta ku heyso, isagoo digniin u diray ganacsatada baal marto awaamiirta maamulka.

“Ganacsatada waa labo nooc, kuwo fuliyo awaamiirta maamulka iyo kuwo iska indha tiro amarada, anaga ka maamul ahaan waxaa naga go’an illaalinta hantida iyo muwaadiniinta, sidaa darteed waxaan rajaynaynaa inay ganacsatada u hogaansami doonaan go’aanada maamulka “ayuu yiri Guddoomiye Shiine.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay barakacayaasha ku sugan Xudur, ayaa waxa uu sheegay inay sameyn doonaan qorsheyaal dib loogu celin doono deegaannada ay ka soo barakaceen, ayna ka dulqaadi doonaan Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media